Soomaaliya: Wasaaradda Waxbarashada oo qorsheyneyso dib u soo nooleynta xarumihii Waxbarashda ee dowladda

Soomaaliya/ Author: Mohamed M Hassan / Xigasho: Radio Muqdisho

Kulan muda laba maalin ah oo magalada Muqdisho uga socday hay’adaha waxbarshada ee dalka ka howgala,  Waasaraddaha Maamul Goboleedyada xubnaha ka ah dowlada Federaalka iyo Wasaaradda waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa waxa looga hadlay hirgelinta qorshaha mashariicda wax barshada ee dalka sanadka 2018 iyo in muhiim tahay in mashaaricda laga abaaro meesha ay ka jirto baahida waxbarsho .

Qaar ka mid ah xubnaha matalayay dowlad goboleedyada dalka ayaa soo dhaweeyay qorshaha Wasaaradda oo ah in la helo waxbarasho tayo leh iyo sidi loo soo celin lahaa xarumihii dugsiyadii lacag la’aanta oo ay Soomaaliya lahaan jirtay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in nidaamka dowladnimada uu soo noqonayo muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo dhamaan hay’adaha Waxbarshada, sidii loo heli lahaa adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah.

Wasiirka Wasaarada Waxbarshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxamaan Daahir Cusmaan ayaa xusay in ujeeddada kulanka uu ahaa isla xisaabtan dhab ah iyo sidii lo ogaan lahaa sida ay u shaqeeyaan hay’adaha Waxbarshada ee ka howgalaya guud ahaan dalka, isagoo xusay in dowladda ay xoogga saari doonto sidii loo heli lahaa adeeg waxbarasho oo tayo leh.

Hirgalinta qorshaha  2018 ee Waxabarshada dalka ayaa waxaa qeyb ka noqonaya dugsiyadii lacag la’aanta ahaa  sida ay uga faa’iideystaan dadka danyarta ah ee xaq u leh in ay helaan Waxbarasho.

Isha Wararka Xaqiiq:

Wasaaradda Waxbarashada oo qorsheyneyso dib u soo nooleynta xarumihii Waxbarashda ee dowladda

Isha laga helay Sawirka:

http://www.emol.com/noticias/internacional/2013/09/08/618675/somalia-pone-en-marcha-una-campana-para-escolarizar-a-un-millon-de-ninos.html

Comparte este contenido: